
Agaasimaha guud ee Wasaaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha JSL Md, Cabdilahi Maxamed Maxamed (Jiidhe) ayaa saaka gudoomiyay shir muhiim ah oo lagaga hadlayey horumarinta iyo fulinta mashruuca uu....
Agaasimaha guud ee Wasaaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha JSL Md, Cabdilahi Maxamed Maxamed (Jiidhe) ayaa saaka gudoomiyay shir muhiim ah oo lagaga hadlayey horumarinta iyo fulinta mashruuca uu maalgeliyo Midowga Yurub (EU) ee Kickstart for equality, kaas oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, iyadoo la kaashaneysa hay’adaha Plan International, Nafis Network iyo Ubax Inspire.Shirkan waxaa lagu falanqeeyay wixii horumar ah ee laga sameeyay mashruuca ilaa hadda, caqabadaha la kulmay, iyo howlaha muhiimka ah ee wali u baahan dhameystir.
Waxaa kalo Agaasimaha Guud Shirkan ku Wehelinayay Agaasimaha Waaxda Horimarinta ciyaaraha Hablaha , Nimco Xariir Cabdilaahi Iyo Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada , Maxamed Xasan Cabdi
Ujeeddada kulanku waxay ahayd in la xoojiyo iskaashiga, la hubiyo in hawlaha qorshaysan la dhameystiro, iyo in la dardar-geliyo natiijooyinka lagu heshiiyay.