
Agaasimaha Guud Ee WDH&Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa furay.......
Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Oo Kaashanaysa Xidhiidhka Kubbada Kolleyga Somaliland waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 20/03/2022 ay si rasmi ah u fureen Tartanka dhiiri-galinta hablaha Kubbada kolleyga heerka 1aad ee Caasimada Hargeisa.Furitaankan Ayaa Waxaa Kasoo Qeyb-Galay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Koleyga, Agaasimaha Waaxda Ciyaaaraha Ee WDH&Ciyaaraha, Masuuliyiinta Hay'adda UNFPA Iyo Marti Sharaf Kala Duwan.
Tartankan oo ay ku Tartamayaan 6 kooxood oo ah hablaha kubbada kolleyga ee naadiyada heerka 1aad ee Hargeisa Ayaa Waxaa Uu Ka furmay Garoonka kubbada kolleyga ee hablaha ee SOCSA.
