Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Maxamed Xasan Nageeye ayaa maanta soo Geba-gabeeyay tartan

Ag/Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha JSL Cabdi-Rashiid Caydiid Yaasiin Iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Maxamed Xasan Nageeye ayaa maanta Soo Geba-gabeeyay Tartanka Orodka  Dhiiri-Gelinta Dhalinyaradda Gobolka Sool.
--------------------------------------------------------------------------

Ag/Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha JSL Cabdi-Rashiid Caydiid Yaasiin Iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Maxamed Xasan Nageeye ayaa maanta Soo Geba-gabeeyay Tartan la magac baxay {{Tartanka Orodka  Dhiiri-Gelinta Dhalinyaradda Gobolka Sool}} oo lagu Qabtay Garoonka Cabdi Bile Cabdi Ee GObolka Sool.

Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Maxamed Xasan Nageeye oo geba-gabadii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Tartankan looga dan leeyahay in lagu  dhiirigeliyo  Dhalinyaradda Hibada uleh Ciyaaraha Fudud,iyada oo ka xidhiidh ahaan ay naga go'an tahay in lasoo saaro dhalinyaro karti iyo  Awoodba uleh inay u ordaan Qarankeena Somaliland.

Ag/Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha JSL Cabdi-Rashiid Caydiid Yaasiin ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan ay marwalba garab taagan yihiin xidhiidhada kala duwan Ee Somaliland si kor loogu qaado shaqada ay qaranka uhayaan.

Tartanka Orodka Dhiiri-Gelinta Dhalinyaradda Gobolka Sool Ayaa loo kala galay Kaalmaha Hore Sidatan:-

1-Ibraahim Kadiye Dirir (Saacadda-16:40:41)
2-Bashiir Saleebaan Ismaaciil (Saacadda-18:41:42)
3-Cabdifataax Cabdillaahi Axmed (Saacadda- 18:45:43)
4-Axmed Kaafi Cabdi-Weli Muuse (Saacadda-19:46:43)
5-Xamse Jaamac Xadaari (Saacadda:20:46:44).