
Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha JSL oo kulan la qaadatay Daneeyayaasha Dhismaha Garoonka Xawaadle. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL ayaa maanta kulan muhiim ah la qaadatay daneeya....
Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha JSL oo kulan la qaadatay Daneeyayaasha Dhismaha Garoonka Xawaadle.Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL ayaa maanta kulan muhiim ah la qaadatay daneeyayaasha dhismaha Garoonka Xawaadle. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xidhiidha:
Ka warqabadka hawlaha dhismaha garoonka iyo heerka ay marayaan.
Cayimaadda wakhtiga rasmiga ah ee lagu bilaabayo dhismaha iyo shaqada farsamada ee garoonka.
Kala warqaadashada iyo hubinta wakhtiga imaanshaha roogga garoonka iyo tayadiisa si loo xaqiijiyo waafaqsanaanta heerarka caalamiga ah.
Dardaaranka ku aaddan ilaalinta bilicda iyo quruxda guud ee dhismaha garoonka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa xusay muhiimadda ay leeyahay dhismaha garoonkani, noqon doonana Garoon habeen iyo maalinba lagu ciyaaro Insha'Allah.