Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda ayaa Maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay ciyaartoygii weynaa ee Xulka Kubadda Cagta Denmark Patrick Jan Mtiliga.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda ayaa Maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay ciyaartoygii weynaa ee Xulka Kubadda Cagta Denmark Patrick Jan Mtiliga, kaas oo booqasho muddo Toddobaad ah ku joogay Somaliland.
Kulan kan ayaa ahaa is xog waraysi iyo wada sheekaysi wasaaraddu halkay marayso iyo halkay u socoto sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaayen Hal-abuurka dhallinyarada iyo Ciyaaraha somaliland.