Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Boos Mire Maxamed aya maanta la kulansiiyey....

-------------------------------------------------------------------------

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi Iyo Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Boos Mire Maxamed ayaa si Wada-Jira Billad Sharaf uwada Gudoonsiiyey Ciyaaryahan Cabdicasiis Gacan Oo Dhaawac Kaga Maqnaa Ciyaartii Kama Dambaysta Ahayd Ee Koobka Gobolada Somaliland.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale Madax-Weynaha Iyo Wasiirka ku wehelinaayey Tamarta iyo Macdanta, Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal Gudoomiye ku-Xigeenka labaad ee Xisbul-Xaakimka kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Boos Mire Maxamed ayaa ahaa mid ku hawlan maalmihii udambeeyay sidii uu ula kulansiin lahaa Ciyaartoy Cabdi-Casiis Gacan oo uu wasiirku uballan qaaday Dhamaadkii Koobka Gobolada Somaliland.