Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Boos Mire Maxamed ayaa maanta ka Qeyb-galay .......

---------------------------------------------------------------------------
HARGEYSA(MOYS)27-01-2021:-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Boos Mire Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska JSL Mustafe Godane Cali Bile,Maamulka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland -Somaliland Football Federation SLFF ,Gudoomiyaha komishanka Maamul -Wanaaga,Agaasime-Waaxeedyada WDH&Ciyaaraha JSL, Gudida Olombikada Somaliland, Kooxaha Heerka koowaad Labaad, Sadexaad Iyo Marti-Sharaf kala duwan ayaa maanta ka Qeyb-galay Isku-Aadka Horyaalada Kala duwan Ee Somaliland oo maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo uu furay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in WDH&Ciyaaraha JSL Iyo Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL oo iskaashanaaya ay Shaqo weyn oo lataaban karo ka qabteen Dhinaca Ciyaaraha.Iyada oo maantana loo joogo Isku-Aadka Horyaalada kala duwan Ee Dalka Somaliland oo aynu ka bilownay Magaalada Hargeysa,Gobolada kalena ay ku xigi doonaan maalmaha inagu soo fooda leh,Waxaa sidoo kale xusid mudan inaanu umahadnaqno cid walba oo gacan ka geysatay in munaasibadani si qurux badan udhacdo.

Wasiirka Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Mudane Mustafe Godane Cali Bile ayaa runtii ku bogaadiyey Maamulka WDH&Ciyaaraha JSL Iyo Xidhiidhka Kubadda Cagta sida xilkasnimada leh ee ay iskaga saareen in horumar ballaadhan aynu ka samayno dhinaca Sports-ka inaga oo wada og halka maanta ciyaaraha Somaliland ay marayaan,runtii waa wax maanta lagu farxo in dib loosoo celiyo horyaalada Kala Duwan Ee Dalka Somaliland oo koox waliba ay muujin doonto awoodooda kubadeed halka ay gaadhsiisan tahay.

Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL Fu'aad Axmed Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay siiwadi doonaan dadaalada ay ugu jiraan inay sii horumariyaan Xirfadda kubadda Cagta,taasi oo inaga caawin doonta in Dalka Somaliland dhinaca ciyaaruhu Qeyb-Weyn ka noqdaan Aqoonsiga Dalka Somaliland.

Isku-Aadka Horyaalada kala duwan Ee Somaliland ayaa noqon doona mid laga wada bilaabi doono dhamaan gobolada Dalka Somaliland oo maanta bar bilow unoqotay Magaalada Hargeysa,iyada oo dhawaan gobolada kale laysku aadin doono heerarka kala duwan ee gobol walba uu ka kooban yahay.



 

#ALLAAMAHADLEH

Eng-Xusri khadar Aw-Dahir
Agaasimaha Waaxda ICT-ga Iyo X.Dadweynaha