Wasiirka WDH&Ciyaaraha JSL Boos Mire Maxamed waxaa uu Tacsi Udirayaa..

TACSI : 24/02/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Boos  Mire Maxamed, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka shaqaale waynaha Wasaaradda DH&Ciyaaraha JSL Iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Isuduwaha WDH&Ciyaaraha Ee Gobolka Sanaag Muuse Saalax Cismaan oo Walaalkii Marxuum Maxamuud Saalax Cismaan uu ku Geeriyooday Gobolka Sanaag Gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo.

Waxaanu Wasiirku Sidoo kale ka tacsidaynayaa qoyska, ehelada, qaraabada, Asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Maxamuud Saalax Cismaan.

Wasiirku Waxaa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.