Wasirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL MD Ahmed Yassin Maxamed Faarax ayaa saaka koormer Shaqo ku Tagay garoomadda Magaaladda berbera sidoo Kalena wuxu Xadhiga ka Jaray Garoonka Basketball

Wasirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL MD Ahmed Yassin Maxamed Faarax ayaa saaka koormer Shaqo ku Tagay garoomadda Magaaladda berbera sidoo Kalena wuxu Xadhiga ka Jaray Garoonka Basketballka ee Malagada Berbera Ka soo Dib u Habayn Iyo Casriyeen lagu Sameeyay ,
Wasiirka Kormeerka Waxa ku Wehelinayay Maayerka Magaaladda Berbera Md, Cabdishaakur Cidin iyo Xildhibaano Ka tirsan Golaha Deeganka Magaaladda berbera Sido Waxaa Qayb ka ahaa Kormeerka isuduwaha Gobolka Saaxil ee WDH&C, Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda Cagta, Halkaasoo Wasiirku Warbixino kaga dhagaystay Masuuliyiinta ugu Saraysaa Gobolka.
Ugu dambayntii Wasiir Axmed-yaasiin ayaa ku dhiirigaliyey Shaqada ay qaranka u hayaan maamulayaasha Garoomadda kala duwan ee Gobolka Saaxil.
Waxa kale oo uu wasiirku shaqada uu hayo ku amaanay Iskuduwaha Gobolka Saaxil.
Sidoo kale waxa uu wasiirku uu uga mahadceliyey madax sare ee Gobolka Saaxil sida milgaha leh ee ay ugu soo dhaweeyey Gobolka.