Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe) ayaa maanta kulan muhiim ah Xafiiskiisa kula yeeshay Madaxa Hay’adda Plan....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe) ayaa maanta kulan muhiim ah Xafiiskiisa kula yeeshay Madaxa Hay’adda Plan International ee Somaliland, Marwo Sadia Aalin iyo Omer Miigane
Ujeedada kulanka:
✅ Soo gabagabeynta hawlihii 2025
✅ Bilaabida barnaamijyo cusub oo dhallinyarada loogu tala galay 2026
Kulankan wuxuu xoojinayaa iskaashiga Wasaaradda iyo Plan International si loo abuuro fursado badan oo dhallinyarada loogu horumarinayo
Caafimaadka maskaxda iyo jirka
Ka qaybgalka arrimaha ganacsiga
Horumarinta ciyaaraha hablaha iyadoo la waafajiyo dhaqankeena iyo diinteena Suuban