Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax, ayaa maanta  Agab Ciyaareed Oo Dhamaystiran kala wareegay Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax, ayaa maanta  Agab Ciyaareed Oo Dhamaystiran kala wareegay Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada JSL, Fu’aad Axmed Nuux. Agabkan ayaa loogu Talagalay Horumarinta iyo Taageerida Kooxaha Kubadda Cagta ee Degmada Alaybaday ee Tartan Ciyaareedka Bisha Barakaysan ee RAMADAAN.

Waxa kale oo wasiirka ku wehelinayey Isu-duwaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha jsl ee gobolka maroodi jeex Xasan Maxamed Muuse iyo Mas'uuliyiin kale.