agaasimaha guud oo la kulmay masuuliyiinta ugu saraysa hayadda unfpa.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. Cabdirashiid Caydiid Yaasiin Ayaa Maanta qaabilay madax ka socotay Hay'adda Qaramadda Midoobay ee UNFPA oo ay ka wada hadleen arimaha horumarinta dhallinyaradda Somaliland iyo sidii la isaga kaashan lahaa.
Kulankaa waxa sidoo Kale ku wehelinaayey Agaasimaha Waaxda Dhalinyaradda Iyo Agaasimaha waaxda Qorshaynta.Waxaana kasoo baxay qodobo muhiim ah oo wax tari doona da'yarta Somaliland. InshaaAllah.