
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha JSL Axmed Yaasiin Maxamed Faarax ayaa dalka dib ugu soo laabtay
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland oo dalka dib ugu soo laabtay.Wasiir wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax iyo Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yoonis Axmed Yoonis oo in muddo ah safar shaqo ugu maqnaayen dalalka ku yaalla qaaradda Yurub ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Wasiir Axmed-yaasiin waxa qaybta VIP-da ee madaarka Cigaal International Airport ku soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf(Tadhase) Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Cabdirashid Abdi jaamac Lataliyaha Wasirka, Agaasime Waaxeed yadda kala duwan ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Iyo Guddomiyaha xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland .