Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, MD Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa Hadhimo Sharafeed u sameeyey Muwaadin Ibraahim Caydiid oo ah Muwaadin Halyay ah oo ku suntan Qaddiyadda iy.....

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, MD Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa Hadhimo Sharafeed u sameeyey Muwaadin Ibraahim Caydiid oo ah Muwaadin Halyay ah oo ku suntan Qaddiyadda iyo Qaranimada Somaliland ahna Qurbajoog degan Wadanka Australia.
Hadhimo Sharafeedkan oo lagu qabtay Hotelka Baraar ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirro, Xildhibaanno, Badhasaabbo , iyo Madaxda Xidbiga Kulme.
Ugu horrayn waxa ka hadashay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Nimco Xariir Cabdillaahi oo u mahadnaqday dhamaan kasoo qayb gashay xafladda Qado Sharafta ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, MD Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa aad ugu dheeraaday qiimaha iyo Miisaanka uu Ibraahim Caydiid ku leeyahay.
Gudoomiye ku Xigeenka Xidhiidhka Kubada Cagta JSL, MD Khadar Jiilaal Jaamac ayaa uga mahadnaqay Wasiir Cabdirisaaq Munaasibadda Qado Sharafta ah ee u sameeyey Muwaadin Ibraahim Caydiid.
Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Axmed Caalin "Tiimbaro' ayaa aad ugu dheeraaday Taariikhda wanaagaan ee Ibraahim Caydiid ku leeyahay Qaranka Somaliland.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye MD Faysal Cabdiraxmaan Madar, Xildhibaan Axmed Kaare, Wasiir Ku Xigeenka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Marwo Yurub Abiib Cabdi, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland MD Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, .Siyaasi Mustafe Maxamuud Qodax, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamagi ah, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, La taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Dhallinyarada Somaliland Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, Suldaan Ibraahim Yuusuf, ayaa dhamaantood ku ammaanay ugana mahadnaqay hawsha muhiimka ah ee uu Qaranka u hayo.
Wasiirka WasaaraddaTeknoolojiyada iyo Isgaadhsiinta JSL, MD Axmed Yuusuf Idiris ayaa Ibraahim Caydiid ku bogaadiyay halganka uu Qaranka ugu jiro.
Mudane Ibraahim Caydiid oo ah masuilka qado sharaftan lagu maamuusay ayaa aad iyo uga mahanaqay Wasiir Cabdirisaaq Muuse Faarax Hadhimo Sharafta uu u sameeyey.
Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, MD Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa aad uga mahadnaqay inuu halgan ugu jiro difaaca iyo horumarka Qaranka Somaliland, isagoo dhiirri galiye u ah cid kasta oo danaynaysa Horumarka iyo Qaranimada Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay inaynu marayno wakhti wanaagsan oo aynu galnay heeshiisyo caalami ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale dhawaajiyay in Ictiraafkii la gaadhay.
"Labada qodob ee ay xukuumadaydu ka shaqayso ayaa ah difaaca Qaranka iyo Horumarka Dadkiisa" ayuu ku soo gabagabeeyey Wasiir Cabdirisaaq Muuse Faarax.
#Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL