Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Md,Axmed-yaasiin Maxamed Faarax oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Ee WDH&C Md,Cabdilaahi Maxamed Maxamuud ayaa saaka Xafiiskiisa kula kulmay

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Md,Axmed-yaasiin Maxamed Faarax oo uu weheliyo Agaasimaha Guud Ee WDH&C Md,Cabdilaahi Maxamed Maxamuud ayaa saaka Xafiiskiisa kula kulmay Madaxa sare ee Haayada Plan international Marwo, Sacad Cabdi Axmed.
Hay'adda Plan International oo ah hay'ad ballaadhan oo ka shaqaysa Arrimaha Horumarinta Ciyaaraha Hablaha..
Ujeedada kulan ayaa ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa wada shaqaynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Haayadda.
Waxa kale oo goob-joog ahaa kulankan Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada Md, Maxamed Xasan Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka Md Khadar X, Yuusuf X, Xasan Magan.
Allaa Mahad leh
-------------------------------------------------------‐-------------
Xafiiska Xidhiidhka Dad-weynaha iyo Warbaahinta Ee WDH&C.