
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax oo wehelinayay Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha ee WDH&C Mudane Cadnaan Maxamuud Maxamed ayaa Wasaaradda...
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax oo wehelinayay Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha ee WDH&C Mudane Cadnaan Maxamuud Maxamed ayaa Wasaaradda ku qaabilay Wafti Kormeer ah oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koomiishanka Maamul Wanaaga JSL Mudane Naasir Ay-jeex Jaamac iyo qaar ka mida saraakiisha Koomiishanka Maamul Wanaaga JSL.Kormeerkan ayaa ku saabsanaa kormeerida habsami u socodka maamulka, hubinta iyo dabagalka ku dhaqanka saacadaha shaqada.
