Xil-Wareejinta Ag/Guud Ee Hore Ciyaaraha Iyo Ag/Guud Ee Cusub Ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda DHalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa maanta Xilkii ukala Wareejiyey Agaasimihii Guud Hore Ee WDH&Ciyaaraha Iyo Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Dhawaan Loo Soo Magacaabay Wasaaradaasi.
-------------------------------‐-----------------------------------------

Munaasibad Ka dhacday HALL-ka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Ayaa Maanta Xilkii Loogu kala wareejiyey Agaasimihii Guud Hore Ee WDH&Ciyaaraha Maxamed Cabdillaahi Siciid [Khaawi] Iyo Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Dhawaan Loo Soo Magacaabay WDH&Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin.Xafladan ayaa waxaa kasoo Qeyb-Galay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL,Xidhiidhada Kala Duwan Ee Somaliland,Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Maroodi-Jeex,Gudoomiyaha Koomishanka Maamul-Wanaaga & La-Dagaalanka Musuq-Maasuqa,Shaqaalaha WDH&Ciyaaraha Iyo Marti-sharaf kala duwan oo ka kala socday Hay'addaha Dawladda Somaliland.

Waxaa ugu Horayn halkaasi ka hadlay Agaasimihii Guud Hore Ee WDH&Ciyaaraha Maxamed Cabdillaahi Siciid [Khaawi] ayaa sheegay in runtii Laba-Sanno Iyo Badhkii uu joogay uu waxbadan oo la taaban karo ka qabtay WDH&Ciyaaraha,Qeyb Weynna aan ka ahaado isbedeladii horumarineed ee aanu soo wada marnay dhamaan Maamulka WDH&Ciyaaraha Iyo Shaqaalaha WDH&Ciyaaraha oo runtii si qurux badan iigarabtaagnaa mudadaasi aan Joogay.maantana anigoo niyadsan aan xilka wareejin doono.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Cusub Ee Dhawaan Loo Soo Magacaabay WDH&Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in loosoo magacaabo wasaarad uu aqoonteeda leeyahay muddo 23-sanno ah.aniga oo Wasaaradda kasoo qabtay mudadaasi aan joogay xilal kala duwan sida:-Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta JSL,Ag/Waaxda Qorshaynta,Ag/Waaxda Ciyaaraha iyo maanta oo aan ahay Ag/Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL.

Ugu Dambayn Waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha JSL Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi oo runtii aad ugu mahadnaqay agaasimihii Guud Ee hore ee sida wacan ula shaqeeyay mudadii aan wasaaradda Joogay oo ay ka muuqatay shaqo-Wacnaan,Hawlkarnimo,Daacadnimo.waxaana aan leeyahay agaasimihii hore inuu aqoontiisaasi nooga sii faaideeyo oo aanu naga tagin,agaasimaha Guud Ee Cusubna Waxaan leeyahay maad iman wasaarad cusub ee waxaad ka dalacday wasaarad aad hore ujoogtay,iyada oo lagaa doonaayo in dhamaan shaqaalaha Wasaaraddu ay kuu sinnaadaan,si Daacadnimo ahna aad ugu shaqayso.