Tartanka Baaskiiladaha ee Magaalada Hargeisa ee 20KM

Xidhiidhka Baaskiiladaha Somaliland waxa uu ku wargelinayaa dhammaan Xirfadlayaasha Baaskiiladaha ee is diwaan geliyey inuu tartankii u bilaabmi doono 07.06.2024 Maalinta Jimcaha 3:00PM Galabnimo Tartankani oo ka soo bilaabmi doono Halleeya kuna dhammaan doona Amaano Schools.
Dhammaan tartamayaashu waa inay diyaar wada ahaadaan saacad ka hor inta aanu tartanku bilaabmin Insha Allah.