
WARGELIN TABABARKA GARSOORKA KUBADDA CAGTA JSL.
WARGELINTABABARKA GARSOORKA KUBADDA CAGTA JSL.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL iyo XKCSL waxay Ogeysiinayaan Dhallinyarada reer Somaliland ee jecel xirfadda Garsoorenimo ee kubadda Cagta iyo kuwii hore ugu hawl-gali jiray, in Tababar cusub loo qabanayo Garsoorka Kubadda Cagta JSL, kaas oo kor loogu qaadayo muddada uu socdo Tababarku Aqoontooda garsoorenimo.
Waxayna aqoon buuxda u yeelan doonaan Xirfadda Garsoorka Kubadda Cagta iyo Shuruucdiisa.
Tababarkan oo ka qabsoomi doona Caasimadda JSL ee Hargeysa (30 December, haddaad tahay qof diyaar u ah inuu ka qeyb-galo Tababarkan, Gobolka ama Degmadda aad joogtaba waa u furan yahay inaad ka faa’ideysatid oo aad buuxisid Shuruuddaha lagaaga baahan yahay.
Shuruuddaha Tababarka:
- Inuu yahay Muwaadin sita Kaadhka Aqoonsigga Somaliland
- In da’diisu u dhaxeyso 20 sanno ilaa 30 sanno jir
- Inuu yahay qof Waxbartay oo ugu yaraan Dugsi Sarre dhammeystay, ama ilaa heer Jaamacaddeed
- Inuu yahay qof caafimaad qaba, sidoo kalena jidh ahaan iyo maskax ahaanba dhisan
- Inuu yahay qof guud ahaanba ka fog wax Balwad ah, noocay doontaba ha noqotee
- Inuu diyaar u yahay inuu dhammeysto Tababarka muddada uu socdo ee toddobaadka ah
• Inay ka go’an tahay ilaalinta wakhtigga uuTababarku socdo (Isniin ilaa Axad)
• Inuu Aqoon fiican u leeyahay xirfadda Kubadda Cagta, ciyaartoy soo noqday ama macallin.
“Tababarkan waxaa bixinaya Garsoore/Khabiir Muuse Maxamuud Muuse oo ku nool dalka Germany, oo bartay cilmigga Garsoorka Kubadda Cagta kuna shaqeeya ilaa hadda”
Waxaad iska Is-diiwaan-gelinaysa Xafiiska Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda iyo Xafiiska XKCSL (26 December – 29 December 2024).